Hoggaamiyayaasha Jarmalka iyo Faransiiska ayaa la filayaa inay gaadhaan maanta oo jimce ah si ay dalka Ruushka ugala hadlaan qorshaha cusub ee nabadda kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaallada ka socda bariga dalka Ukriane ee u dhow xuduudda Ruushka.
Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel iyo madaxweynaha dalka Faransiiska Francios Hollande ayaa u soo bandhigaya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin hindisaha cusub, ka dib markii ay kulan la soo yeesheen madaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko.
Ka hor kulanka maanta ayaa hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ay sheegtay in iyada iyo mr Hollande in hindisaha ee ay u soo bandhigayaan Moscow uu yahay mid lagu difaacayo nabadda Yurub, waxayna hadalkeeda sii raacisay in labada hoggaamiye ay samayn doonaan waxkasta oo lagu soo afjarayo dagaalka dhiigu ku daatay ee Ukraine.
Dedaalo diplomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo xiisadda Ukraine ayaa ka socda Munich halkaas oo ay ka bilaabmeen shirar dhinaca amniga la xidhiidha, waxaana la filayaa inay shirka ka qayb galaan hoggaamiyayaasha sare ee caalamka, diplomaasiyiin, saraakiisha difaaca. Dadka la filayo waxaa ku jira MAdaxweynaha Ukraine, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka iyo Xoghayayaasha arrimaha debedda ee Maraykanka iyo Ruushka.