Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariyihii Labaad ee Al-Jazeera oo la Sii Deeynayo


Wariyaha Telefishinka Al-Jazeera Maxamed Fahmi ayaa laga yaabaa in laga sii daayo xabsi ku yaala dalka Masar , ka dib markii uu ka tanasulay dhalashadiisii Masar.

Talaabadan ayaa u gogol xaareysa in xukumadda Masar ay musaafuriso wariye Fahmy, oo in ka badan 400 oo maalmood ku jiray xabsiga.

Mr. Fahmi iyo laba wariye oo kale oo ay wada shaqeynayeen ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December sanadkii 2013kii iyagoo lagu eedeeyay inay taageerayeen ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee dalkaasi laga mamnuucay.

Fahmi ayaa heystay dhalashooyinka Masar iyo Canada. Gelinki danbe ee Isniintii shalay, ayaa Wasiirka Arimaha Dibadda ee Canada John Baird waxa uu sheegay in Fahmy goor dhow la sii doono.

Arinta la xiriirta siideynta wariyahan ayaa soo ifbaxday ka dib markii masuuliyiinta Masar ay dalkaasi ka masaafuriyeen wariye Peter Greste oo u dhashay dalka Australia Al-jazeerana u shaqeynayay oo ay wada xiraayeen.

Ninka Sadexaad, Baahir Maxamed oo u dhashay Masar, ayaa weli xabsiga ku jira isagoo 10 sano ku xukuman – saaxibadii la sii daayay waxey ku xukunaayeen 7 sano, midkiiba.

Xarrigga iyo xukunka wariyeyaashan ayaa dhaliyay dhaleeceyn caalami ah oo Masar kaga imaaneysay kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo dowladaha kale.

Al-Jazeera ayaa ku adkeysaneysa in shaqaalaheeda ay gudanayeen waajibaadkooda wariyenimo. Markii la sii daayay Greste ayey Masuuliyiinta Al-jazeera ugu baaqeen xukumadda Masar inay sii daayaan labada maxbuus ee kale.

Maxkamad ku taala Masar ayaa xukuntay bishii la soo dhaafay in dacwadda sadexdan nin dib loo qaado, laakiin waqti uma aysan qaban.

XS
SM
MD
LG