Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Israel kaga Dhimatay Buuraleyda Joolaan


RW-ha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii sheegay in kuwii ka dambeeyey weerarkii gantaalka ahaa ee lagu tuuray kolonyo Israel leedahay, sida uu hadalka u dhigay, uu kharash badan ugu kici doonto.

Gantaalo la isweydaarsaday oo ka dhacay xuduudda Israel ay la leedahay dalalka Suuriya iyo Lubanaa ayaa waxa ku dhintay labo askari oo Israel u dhashay iyo askari u dhashay Spain oo ka mid ahaa ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay eek u sugan koonfurta Lubnaan. 7 askari oo reer Israel ayaa sidoo kale dhaawacmay.

Israel ayaa weerarka ku eedaysay ururka fadhigiisu yahay dalka Lubnaan ee Xisbullah.

Mr. Netanyahu ayaa Arbacadii shalay u sheegay golihiisa xukuumadda in Iran ay adeegsato ururka Xisbullah si, buu yiri, ay iskugu deydo inay furin kale oo argagixiso ka furto qeybta Suuriya ee Buuraleyda Joolaan.

Waxa uu intaas ku daray in dawladda Lubnaan iyo Maamulka Bashaar Al-Assad ay mas’uuliyadda weerarka iyo wixii ka yimaaddaba wadaagayaan, kaas oo dhulkooda laga soo qaaday.

XS
SM
MD
LG