Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax ka Dhacay Hoteelka SYL


Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday albaabka hore ee huteel ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen wafdi ka socday dalka Turkiga.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalinta beri lagu wado inuu muqdisho yimaado madaxweynaha Turkiga Rajab Dayab Erdoqan

Booliska ayaa sheegay in wafdiga Turkiga ah ay nabad qabaan kuna suganyihiin gudaha huteelka.​

Qasim Axmed Rooble, Afhayeenka booliska ayaa VOA u sheegay in hal askari uu ku dhintay qaraxa, laakiin warar madax banaan ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay 4 tahay.

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa ka sheegay magaalada Ankara in wafdiga Turkiga ahi uu nabad qabo, iyagoo sheegay in booqashada madaxweynaha Turkigu ay sidii loo qorsheyay u dhici doonto.

Madaxweyne Erdoqan ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee aan Afrikaan ahayn ee tagay Somalia sanadkii 2011kii isaga oo xiligaasi ahaa R/Wasaaraha dalkiisa Turkiya.

Dhageyso Qaraxa Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:57 0:00

XS
SM
MD
LG