Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dhexmaray Ciidamada Kenya & al-Shabab


Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof oo uu ku jiro askari Kenyan ah ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen iska hormaad ciidamadeeda iyo maleeshiyo ka tirsan al-shabab ku dhex maray , meel ku dhow xadka Kenya iyo Somalia.

Wasaaradda difaaca ee dalka Kenya ayaa sheegtay in iska horimaadka uu dhex maray ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Amisom iyo maleeshiyaad ka tirsan al-Shabab meel lix KM u jirta deegaanka Lamu gudaha Kenya kuna dhow xadka Somalia iyo Kenya, oo lagu magacaabo Basuba.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ku jireen howl maalmeedkoodii caadiga ahaa, iyagoo ku sii jeeday deegaanka Kiamboni ee Gobolka Jubbadda hoose markii ay ka war haleen maleeshiyo ka tirsan al-shabab oo goobtaa ku sugnaa si ey weerar gaadma ah ciidamada ugu qaadaan.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shan ka mid ah lixda qof ee dhintay ay ka tirsanaayeen al-shabab halka midka kalena uu ahaa askari Kenyan ah.

Kenya waxey sheegatay in dhowr ka tirsan maleeshiyaadkii al-shabab oo dhaawacyo qaba ay baxsadeen, halka sadex ka mid ah askarta kenyana ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen.

Waxey sheegtay in howlgal lagu baacsanayo maleeshiyadii baxsatay uu socdo, waxeyna ka codsadeen dadka deegaanka inay ku soo wargeliyaan saldhiga boolis ee ugu dhow hadii ay arkaan qof qaba dhaawac rasaas.

XS
SM
MD
LG