Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Kismaayo ka Dhacay


Wararka ka imanaya magaalada Kismayo ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay, waxaana wararka hordhaca ahi sheegayaan in qaraxaasi sababay dhimasho iyo dhaawac kala geddisan oo soo gaadhay shicibka iyo Ciidamada ammaanka ee maamulka ku meel gaadhka ah ee Jubba.

Laba qof ayaa dhimatey oo kamid ah ciidamada Maamulka Kumeel gaadhka ah ee Jubba iyo tiro kale oo dhaawacyo soo gaadheen oo isugu jira ciidamada iyo dad rayid ah, qaraxan ayaa dhacay ka dib markii galabta gabaldhicii gaadhi ay la socdeen ciidan ka tirsan Maamulka Jubba lagula eegtey qarax Xaafada Guul-wade Agagaarka Masjidka Xaaji Jaamac.

Saddex kamid ah dhaawacyada ayaa ah gabdho ardey iskuulay ah, mid ka mida hablahaas ayaa wararku sheegayaan inay xabbadu goosatay labada lugood sida uu VOA u xaqiijiyey Dr Cabdi Samad Abiikar Xaaji oo ah agaasimaha Isbitaalka Guud ee Kismaayo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in markii qaraxu dhacay kadib ay ciidamadu rasaas fureen sidoo kalena ay xidheen guud ahaanba wadooyinka soo gala xaafada iyagoo baaritaano ka bilaabay xaafadaha ku dhow dhow goobta qaraxa uu ka dhacay.

XS
SM
MD
LG