Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kouachi oo la Sheegay Inuu Yemen ku Soo Tababartay


Baarayaasha ku howlan weerarkii Arbacadii lagu qaaday xarunta wargeyska Faransiiska ee Charlie Ebdo ee magaalada Paris ayaa sheegay in mid ka mid ah labadii nin ee hubeysnaa ee weerarka geystay uu tababar ka soo qaatay Al-qacidada Yemen.

Baarayaashu waxey sheegeen in Saciid Kouachi uu dhowr bilood tababar ku soo qaatay dalka Yemen sanadkii 2011kii.

Laakiin weli daliil cad looma hayo in Saciid iyo walaalkii ka yar cherif oo labadooduba baxsad ku jira, ay awaamiirta ka qaadanayeen koox argagixiso iyo in kale.

Labada wiil ee walaalaha ah ayaa waxaa aad u garanayay saraakiisha argagixiso la dirirka ee labadaba Mareykanka iyo Fransiiska.

Cherif waxaa lagu xiray dalka Faransiiska isagoo loo heystay inuu isku dayay inuu u duulo dalka Ciraaq, waxey ku jireen labadooduba liiska Mareykanka ee dadka argagixisada lagu tuhunsanyahay iyo dadka aan duulimaadyada loo ogoleyn.

In ka badan 88 kun oo askarta booliska iyo xooggagga kale ee amaanka isugu jira ayaa baadi doon ugu jira labadan wiil ee walaalaha ah.

Nin sadexaad oo weerarkan la tuhunsanyahay inuu ku lug lahaa 18 jir ahaa Hameyd Mourad, ayaa isu dhiibay booliska Arbacadii la soo dhaafay.

XS
SM
MD
LG