Qoys Soomaali ah oo deggan Gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka ayaa sheegay in ilo wareedyo ku sugan dalka Siiriya ay ka heleen warar sheegaya in wiilkooda lagu dilay magaalada Kobane isaga oo ka barbar-dagaalamaya kooxda ISIS.
Qoyska Yuusuf Cabdiqani Maxamuud oo 20 jir ahaa ayaa VOA u sheegay in lagu soo wargaliyey in Yuusuf la dilay maalintii Axaddii ee 21-ka Diisambar.
Wiilkaasi hooyadiis Xaawa Jaamac ayaa VOA u sheegtay in loo sheegay in la dilay inkastoo haddana ay sheegtay inaysan iyadu shaqsi ahaan kor istaagin maydkiisa.
Ma aysan sheegin cidda usoo gudbisay warka ku saabsan dhimashada wiilkeeda.
Xaawa Jaamac waxay sheegtay in iyada iyo wiilkeeda ay waddankan soo galeen sannadkii 1996-kii isaga oo markaasi jiray laba sano oo keliya. Waxay sheegtay inuu ahaa arday wanaagsan oo dhigta farsamada elekteroonikada.
Waxay sheegtay in la waayey bishii Juun ee sannadkan isaga oo kadib markii uu safrayna usoo diray farriin odhanaysa "waan baxay" inkastoo sida ay sheegtay uusan u sheegin halka uu markaas ku sugnaa. Waxay sheegtay inuu haystay dhalashada Maraykanka.
Hay'adda dambi-baadhista ee FBI ayaa sheegtay inay ka war heleen wararkaas balse ay baadhitaan ku hayaan.
Warka ku saabsan wiilkaasi dhimashadiisa waxaa sidoo kale VOA u xaqiijiyey wiilka adeerkiis oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.
Maalintii Axaddii ayaa mid ka mid ah dhalinyarada Soomaali-Maraykan ah ee horey ugu biiray al-shabab uu boggiisa twitter-ka ku qoray in la dilay Yuusuf laguna dilay magaalada Kobane.
Ninkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ku magac-dheer Miski ayaa sannadkii 2008 ku biiray ururka al-shabab. Wax yar kadib markii uu farriintaasi soo dhigay bogga internetkana wxaa la xidhay tiwetterkiisii.