Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Kenya oo Ansixiyay Sharciga Amniga


Baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay sharciyga cusub ee Amniga Kenya kaasoo ah mid lagula dagaallamayo argagixisada.

Kulankan lagu ansixiyay sharcigan ayaa waxaa maanta ka dhacay buuq ay sameeyeen xildhibaannada mucaaradka Kenya oo sheegay in sharcigan cusub uu halis ku yahay xoriyadda madaniga iyo xoriyadda hadalka.

Sharciyagan cusub ayaa oggolaanaya in dadka argagixisada looga shakiyo la hayn karo ilaa 360 maalmood iyadoon danbi lagu soo oogin, taasoo markii hore ahayd 90 maalmood;

Sharcigan cusub ayaa sidoo kale ku qasbi doona dadka iska leh guryaha iyo hotel-lada ee guryaha kireeya inay bixiyaan macluudka dadka ay guryaha ka kireynayaan.

Sharcigan wuxuu kaloo ciqaabayaa hay'addaha warbaahinta haddii ay soo daabacaan macluumaad ay dhici karto inay abuuraan baqdin

Xildhibaannada mucaaradka ayaa maanta hor istaagay in sharcigan laga doodo, waxayna sameeyeen kharbudaad, taasoo sababtay in la hakiyo doodda.

XS
SM
MD
LG