Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka iyo Cuba oo Heshiinaya


Tallaabo loogu magac-dari karo Waa Cusub ayaa u beryey Xidhiidhka siyaasadeed iyo diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Cuba. Kaas oo ahaa mid liita tan iyo intii uu xukunka la wareegay hoggaamiyaha dalkaas Fidel Castro sannadkii 1959-kii. Ka dib markii xukuumaddiisu ay la wareegtay hanti ay lahayd dawladda Maraykanka isla markaana ay bilawday tallaabooyin xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha, waxaana taasi horseedday in dalka Maraykanku uu cunaqabatayn ku soo rogo dalka Cuba.

Arrimaha barta madaw ku noqday xidhiidhka labada dal waxaa ka mida qorshihii guul darraystay ee Sirdoonka Maraykanka oo ogolaansho ka haysta Madaxweyne John F Kennedy ay doonayeen inay ku afgembiyaan hoggaamiyihii Cuba Fiedel Castro, Qorshahaas oo loogu magac daray Bay of Pigs markii uu fashilmay wuxuu haadaan ku sii riday is-aaminaad dhex marta labada dal.

Qalalaasihii Gantaallada ee Cuba
Qalalaasihii Gantaallada ee Cuba

Xilliyadii uu halka ugu xun gaadhay xidhiidhka labada dal waxaa ka mida sannadkii 1962, ka dib markii dalka Maraykanku ku warhelay in midawga Soviet uu qorshaynayey inuu dalkaas ka dhiso saldhig ay ka hawlgalaan Gantaallada riddada dheer. Iyada oo xilligaas uu socday dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyey Waddamada Reer Galbeedka iyo Midawga Soofiyeeti, ayaa haddana Waxaana xilligaas curtay wixii loo yaqaanay Qalalaasihii Gantaallada ee Jasiiradda Cuba, kaas oo ku soo geba-gebooboobay in Moscow ay Jasiiradda Cuba ka qaaddo gantaalladii ay ku rakibtay halka Maraykankuna dammaanad qaaday inaanu duulaan ku qaadi doonin Jasiiraddan iyo in dalkiisu gantaallada ka qaaddo dalka Turkiga.

In ka badan Nus-qarni markii uu socday xidhiidhka xun ee u dhexeeya Cuba iyo dalkan Maraykanka ayaa shalay markii ugu horraysay Madaxweyne Obama ku dhiiraday inuu waa cusub u furo xidhiidhka siyaasadeed iyo kan Diplomaasiyadeed ee labada dal.​

Isbedeladan ku imanaya xidhiidhka labada dhinac ayay ka mid tahay in dib loo furo safaaraddii dalka Maraykanku ku lahaa Havana taas oo xidhnay in ka badan nus-Qarni. Sidoo kale Dawladda Maraykanku waxay doonaysaa inay fududayso xannibaadihii saarnaa dalkan Cuba ee saamaynayey dhinacyada Baananka, Ganacsiga iyo socdaalka, taas oo mar ahaan jirtay goob muhiim u ahayd dhinaca fasaxyada iyo tamashlaha.

Madaxweyne Barack Obama ayaa ku dhawaaqay isbedelka taariikhiga ah ee ku yimi xidhiidhka Maraykanka iyo Cuba isaga oo ku sugan Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.
Madaxweyne Barack Obama ayaa ku dhawaaqay isbedelka taariikhiga ah ee ku yimi xidhiidhka Maraykanka iyo Cuba isaga oo ku sugan Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

​Madaxweyne Obama ayaa sheegay in tallaabadan uu qaaday shalay oo arbaca ahayd inay daba socotay baaq gaar ah oo uga yimi madaxa ugu sarreeya mad-habta Kaatoliga ee Diinta Kiristaanka Pope Francis. Laakiin waxaa arrintan sii dhiiri-geliyey ama hore u sii socodsiiyey ka dib markii Cuba ay sii daysay Alan Gross oo ah muwaadin u dhashay dalkan Maraykanka, kaas oo u shaqaynayey Hay’adda Mucaawanada Debedda ee Dalka Maraykanka, kaas oo lagu xidhay dalka Cuba muddo shan sano ah ka dib markii lagu eedeeyey inuu waday hawlo basaasnimo ah oo uu doonayey inuu jaziiraddan geliyo qalab isgaadhsiineed. Saraakiil kala duwan ayaase sheegay inuu Alan Gross isku dayayey inuu khad dhinaca Internetka ah u xidho mujtamaca yuhuudda ee tirada yar.

Alan Gross qayb kama aha qorshe la isku weydaarsanayo basaasiin labada dhinac ku kala xidhan, taas oo madaxweyne Obama uu sheegay hadalkiisa. Qorshahan la isku dhaafsanayo basaasiinta ayay soo hoosgelayaan sii daynta saddex xubnood ka tirsan sirdoonka Cuba oo ay maraykanku gacanta ku hayaan, taas oo Maraykankuna ku bedelanayo sarkaal ka tirsan hay’adaha sirdoonta maraykanka, kaas oo Cuba gacanta ugu jiray ku dhowaad labaataneeyo sano.

Inkasta oo dad badani soo dhoweeyeen go’aanka Madaxweyne Obama, kaas oo baal cusub u furi doona xidhiidhka labada dal ayaa haddana waxaa soo ifbaxaya dad aan la dhacsanayn sida qaybo ka mida bulshada ka soo carartay dalka Cuba ee haysta dhalashada dalkan Maraykanka, iyaga oo si weyn u dhaleeceeyey go’aanka Madaxweyne Obama. Dadka Go’aanka Madaxweyne Obama dhaleeceeyey waxaa ka mida Senator Marco Rubio isaga oo leh Madaxweyne Obama wuxuu si fudud fursad u siiyey hoggaamiyayaasha xisbiga Shuuciga ah ee dalkaas maamula.

Muuqaal laga Qaaday Hoggaamiyaha Cuba Raul Castro oo shacabkiisa kala hadlaya Telefiishanka isaga oo ku sugan Caasimadda dalkaas ee Havana
Muuqaal laga Qaaday Hoggaamiyaha Cuba Raul Castro oo shacabkiisa kala hadlaya Telefiishanka isaga oo ku sugan Caasimadda dalkaas ee Havana

Hoggaamiyaha dalka Cuba Raul Castro oo khudbad u jeediyey shacabkiisa ayaa soo dhoweeyey dhawaaqa ka soo yeedhay MAdaxweyne Obama. Hoggaamiyaha Cuba Raul Castro ayaa sheegay in go’aankan Madaxweyne Obama qaatay uu mudan yahay tixgelin iyo qadarin u muujiyaan shacabka reer Cuba.

XS
SM
MD
LG