Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Hong Kong oo Nadiifiyey Goobihii Mudaharaadada


Ciidamada booliska ee Hong Kong ayaa nadiifinaya goobtii ugu dambaysay ee ka mid ah barxadihii ay ka dhaceen mudaharaadadu maanta oo Isniina, iyaga oo xilligan qaadaya mid ka mida fadhiisimadii ugu dambeeyey ee hakiyey isu socodka waddooyinka magaalada muddo ka badan 10 usbuuc.

Ciidamada Booliska ayaa u sheegay dadka mudaharaadaya inay degdeg uga tagaan waddooyinka gaar ahaan waddada Causeway Bay.

Tiro kooban oo ka mida mudaharaadayaasha ayaa iyagu ku qayliyey ereyo ay ka mid ahaayeen “Waannu soo noqonaynaa” waxayna ugu yeedheen madaxa fulinta ee Hong Kong Leung Chun Ying inuu xilka ka dego.

Booliska ayaa banneeyey goobtii ugu ballaadhnay ee mudaharaadayaashu ku sugnaayeen oo ku taallay degmada Admiralty maalintii khamiista ka dib markii xabsiga dhigeen qaar ka mida hoggaamiyayaasha ardayda ee mudaharaadka soo abaabushay iyo sharci-dejiyayaal taageerayey.

XS
SM
MD
LG