Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR oo Shir ka leh Badbaadinta Muhaajiriinta


Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dunida looga baahanyahay inay xoogga saarto ka jawaabista boqolaalka kun ee qof ee safarada badaha ee halista ah soo mara iyagoo raadinaya megangalyo ama ka soo haajiray dalalkooda.

Madaxa hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR, Antonio Guterres ayaa martigelinaya shir maanta oo Arbaca ah iyo khamiista birito ka dhacaya magaalada Geneva, kaasoo lagu horgeynayo samata bixinta dadka tahriibta ee badaha isku soo biimeeya, hadii ay jiri karaan habab ka badbaado badan oo lagu dhiirigeliyo muhaajiriinta, iyo wax ka qabashada daruufaha dadka ay uga soo hayaamayaan dalalkooda.

UNHCR waxey sheegtay in ugu yaraan 348 kun oo qof ay isku dayeen inay badaha ka talaabaan sanadkan, iyadoo tirada ku dhimatay ee la diwaangeliyay ay gaareyso 4,272 qof.


Marinka ugu halista badan ee ay dadkaasi isticmaalaan ayaa ah badda Mediterranean , halkaas in ka badan 3,400 oo qof ay ku dhinteen sanadkan 2014.

Waxaa in muda ahba sii kordhayay dhqadhaqaaqyada muhaajiriinta ee baddaaasi, iyadoo muhaajiriin gaaraya 207 kun ay isku dayayaan inay ka gudbaan, tiradaas oo Qaramada Midoobay ay sheegeyso inay ka badantahay sadex laab tiraddii ugu sareeyay ee hore la diwaangeliyay sanadkii 2011dii.

XS
SM
MD
LG