Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Chuck Hagel ayaa booqasho ku maraya dalka Ciraaq si uu wadahadal ula yeesho Raiisul Wasaare Haider al-Abadi iyo taliyeyaasha ciidammada Mareykanka, afar bilood kadib markii Mareykanka uu bilaabey olole weeraro cirka ah oo ka dhan ah maliishiyaadka ururka Islaamiga ee ISIS.
Hagel oo aan horey loo shaacin socdaalkiisa, ayaa markii uu gaarey magaalada
Baghdad, wuxuu u sheegay askar isugu jirtey Mareykan iyo Australian oo gaareysa 200 in ugu dambeyntii Ciraaq ay tahay tan uu waajibka ka saran yahay inay is difaacdo waxna isu qabato.
Maalintii Isniinta, ayaa waxaa uu sheegay in ciidammada Ciraaq ay horumar sameeyeen dadaalka ay ugu jiraan inay dhul hor leh uga qabsadaan ISIS waqooyiga iyo galbeedka Ciraaq , dhulkaas oo ISIS ay qabsatey horaantii sannadkan.
Isbahaysiga Mareykanka uu horkacayo ayaa Ciraaq ka fuliyey in ka badan 600 weerar cirka ah tan iyo horaantii bishii August iyagoo taageeraya ciidammada Ciraaq. Ilaa iyo 500 oo weerar oo kale oo cirka ah ayaa lagu beegadey maliishiyaadla ISIS ee Syria.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa aqbaley inuu ilaa 3.100 askari u diro Ciraaq si ay u bixiyaan tababaro iyo talooyin.