Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha oo Hadlay Go'aanka Baarlamanka


Madaxweyne Xasan Sheek
Madaxweyne Xasan Sheek

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay barnaamijka Martida Makrafoonka ee idaacadda VOA ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay baarlamaanku kalsoonidi ugala noqdeen RW Cabdiweli.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in talaabadan ay muujinayso dimoqraadiyadda Soomaaliya, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan xildhibaannada kuwa haa u codeeyay iyo kuwa maya u codeeyay.

Xasan Sheekh wuxuu bogaadiyay RW Cabdiweli oo muujiyya dadaal mudadii uu xilka hayay.

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaaliyeed u ballanqaaday in aan habacsanaan ay so gali doonin howlaha ay dowladdiisu wado ee ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyo sugidda amniga.

Dhageyso Wareysiga VOA ee Madaxweyne Xasan
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:30 0:00

XS
SM
MD
LG