Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdiweli: Waan Aqbalay Go'aanka Baarlamanka


A Syrian man reacts following a reported air strike by government forces in the rebel-held neighborhood of Bustan al-Qasr.
A Syrian man reacts following a reported air strike by government forces in the rebel-held neighborhood of Bustan al-Qasr.

Cabdiweli Sheekh Axmed, ra'iisul-wasaaraha XFS ayaa sheegay inuu aqbalay go'aanka ay golaha baarlamaanku kalsoonida ugala noqdeen xukuumaddiisa.

Ra'iisul-wasaare Cabdiweli ayaa sheegay inuu berrito bixin doono faahfaahin dheer oo arrintan ku aadan.

Cabdiweli Sheekh ayaa war-saaxafadeed ka soo baxay xafiiskiisa, wuxuu ku sheegay inuu dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba uga mahadcelinayo kalsoonida ay siiyeen xukuumaddiisa mudadii ay shaqeynaysa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod u qaaday kalsoonidii kala noqday ra'iisul-wasaaraha. Coddeynta waxaa ka qeybgalay 235 mudane. 153 ayaa codka kalsooni kala noqoshada taageertay, 80 way diiden, halka 2 mudane ay ka aamuseen.

XS
SM
MD
LG