Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qof u Dhashay Canada oo Syria Lagu Afduubtay


Dowladda Canada ayaa wada baaritaan la xiriira warar sheegay in Maleeshiyada Daacish ay Gudaha Syria ku afduubteen haweeney u dhalatay dalka Canada.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Canada ayaa sheegtay in xukumadda Ottawa, ay ku daba jirto dhamaan ilaha iyo xogaha la xiriira wararka sheegaya afduubka haweeneydan .

Warkan ayaa waxaa baahiyay axadii shalay dhowr ka mid ah warbaahinta Isreal oo soo xiganaya baro internetka ah oo lala xiriiriyo IS oo warinaya in haweeney u dhalay Canada oo lagu magacaabo Gill Rosenberg lagu afduubtay Syria.

Rosenberg ayaa la aaminsanyahay inay u socdaashay dalka Ciraaq iyadoo ka tagtay Israel horaantii bishii November si ey ugu biirto Maleeshiyada Jurdiyiinta ee dagaalka kula Jira kuwa Daacish Xadka Syria iyo Turkiga.

Xilligaasi ayey u sheegtay Radio laga leeyahay Israel inay xiriir kula sameeysay dagaalyahanadda Kurdiyiinta Bogga Facebook.

Rosenberg ayaa ku nooleyd Isreal tan iyo sanadkii 2009kii. Waana 31 jir horey uga soo mid noqotay ciidamada milatariga Isreal, dalka Canada ka soo noqotay duuliye diyaaradeed.

XS
SM
MD
LG