Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IOM: 161,000 ayaa Gaadhay Talyaaniga Sannadkan


Hay’adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta IOM ayaa sheegtay in kumanaan kun oo qof oo qaxooti ah oo badankoodu kasoo jeedaan Waddamada ka hooseeya Saxaaraha ay weli isku biimaynayana badda Mediterranean-ka iyagoo doonaya inay gaadhana qaaradda Yurub. IOM waxay sheegtay boqollaal qof in la badbaadiyey malamihii lasoo dhaafay kaidb markii ay doonyihii ay la socdene gaddoomeen, kuwo bandanna ay dhinteen

Mahad Cabdi Cali wuxuu ahaa saxafi ka hawlgala magaalada Garoowe, hase ahaatee wuxuu ka mid noqday dhalinyarada gasha safarada Tahriibka, xilligan wuxuu ku sugan yahay dalka Libya, intii uu safarkaas ku jiray Mahad wuxuu goobjoog u noqday geerida illaa 38 ka mida dhalinyarada Somalida ah ee tahriibaysay, sidoo kale wuxuu ka sheekaynayaa hablo badan oo safarkaas tahriibka galay oo la kufsaday.

Sidoo kale Cismaan Jaamac Caydiis isaguna waa wiil kale oo dhalinyaro ah wuxuu ka tegey magaalada Burco, Cismaan xilligan wuxuu ku sugan yahay dalka Libya, wuxuuna ka soo badbaaday doon ay saarnaayeen oo degtay oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo asxaabtiisii ka mida, Cismaan weli wuxuu niyadda ku hayaa inuu markii afraad isku dayo inuu badda ku noqdo.

Xaggan hoose ka dhegeyso Waraysiga Mahdi iyo Cismaan oo ku sugan Libya.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:32 0:00

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in inkabadan 161,000 oo tahriibayaal ahi inay si nabada ku soo gaadheen dalka Talyaaniga sannadkan gudihiisa. Laakiin qaar badan oo ka mid ah tahriibayaan Ayaan iyagu fursaddaas helin, waxaana badaha ku geeriyooday ama illaa hadda la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen illaa 3,200 oo ruux.

Bishan November oo keliya waxaa badaha laga soo badbaadiyey illaa 8000 oo qof, waxaana dalka Talyaaniga tobankii casho ee ugu dambaysay soo gaadhay in ka badan 5,000 oo tahriibayaal ah ka dib markii ay u gurmadeen maraakiib badda maraysay xilli dadkan muhaajiriinta ahi ay biyaha dul sabbaynayeen.

Afhayeen u hadlay hay’adda IOM oo lagu magcaabo Joel Millman ayaa sheegay in cabsi iyo duruufo adag oo dalalkooda ka soo foodsaaraa ay dadkan tahriibayaasha ah ku soo riixaan inay galaan safaro sidan u khatar badan.

XS
SM
MD
LG