Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cunaqabateyn Lagu Soo Rogey Madaxweynihii Hore ee Yemen


Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogey madaxweynihii hore ee Yemen iyo laba ka mid ah taliyeyaasha milatariga ee falaagada, iyagoo lagu eedeynayo inay khatar gelinayaan xasiloonida waddanka.

Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa xanibaad ku soo rogtey hantida uu Mareykanka ku leeyahay madaxweynihii hore Ali Abdullah Saleh, iyadoo isla markaana mamnuucday in muwaadiniinta Mareykanka ay xiriir ganacsi la sameeyaan.

Cunaqabateyn taa la mid ah ayaa waxaa lagu soo rogey taliyeyaasha jabhadda Xuutiyiinta ee kala ah Abdullah Yahya al-Hakim iyo Abd al-Kahliq al-Huthi.

Talaabada Mareykanku uu qaadey ayaa daba joogta cunaqabateyn uu soo rogey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo sheegay in saddexda nin ay wiiqayeen dadaalada siyaasadeed ee Yemen laga wado, isla markaana ay hor istaageen dhaqangelinta hannaanka kala guurka kadib ridistii Mr Saleh oo waddanka ka soo talinayey muddo 30 sannadood ah.

Mr. Saleh ayaa xilka ka degey sannadkii 2012 iyadoo la raacayo heshiis uu ka soo shaqeeyey urur goboleedka Iskaashiga Waddamada Gacanka.

Laakiin Mareykanka waxaa uu sheegay in labadii sanno ee la soo dhaafey uu ahaa mid ka mid ah dadka sida weyn dabada uga riixayey rabshadaha iyo dagalaka ay wadaan falaagada Xuutiyiinta ee doonaya inay wiiqaan hoggaamiyaha haatan ka taliya Yemen, Madaxweyne Abed Rabbo Mansour Hadi.

XS
SM
MD
LG