Maleeshiyada al-Shabaab ayaa saaka weerar xoogga oo ay qaadeen ciidanka Jubba dib-uga qabadey jaziiradda Kudhaa ee Jubbada Hoose.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay 43 ciidanka Jubba ka tirsan iyo 27 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab ah.
Kudhaa ayaa ah jaziirad muhiim ah oo ku taalla Jubbada Hoose.
In ka badan boqolaal ka tirsan maleeshiyada al-Shabab oo aad u hubeysan ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday Kudhaa.
Wararka ayaa sheegaya in 11 ka tirsan ciidamada Jubba haatan la la' yahay.
Jaziiraddan ayaa al-Shabab 2 toddobaad ka hor waxaa ka qabsaday ciidanka maamulka Jubba.
Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa VOA uga warramay sida ay al shabaab u qabsadeen Kudhaa.
Waraysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.