Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dayax Gacmeed Kale oo ku Burburay Mareykanka


Masuuliyiinta gobolka Galbeedka Mareykanka ku yaala ee California ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay mid kalena dhaawac culus uu ka soo gaaray ka dib markii dayax gacmeed ganacsi oo la yirahdo Virgin Galactic oo ku jiray duulimaad tijaabo ah uu ku bur buray saxaraha Mojave.

Sawiro telefishinada laga sii daayay ayaa muujinayay Jimcihii shalay haraadiga dayax gacmeedka burburay, saxaraha waqooyiga Los Angels.

Shirkada iska laheyd dayax gacmeedkan ayaa sheegtay inay baareyso wixii sababay shilka.

Waa dayax gacmeedkii labaad oo muddo todobaad gudihiisa ah ku bur bura dalkan Mareykanka.

Talaadadii la soo dhaafay ayaa dayax gacmeed aan cidina sareyn oo sahay u qaadi lahaa saldhigga caalamiga ah ee hawada sare – uu ku bur buray dhowr ilbiriqsi ka dib markii uu dhulka ka kacay xarun Nasa ay ku leedahay gobolka Virginia duleedka Washington.

XS
SM
MD
LG