Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaharaadayaasha Hong Kong oo Racfaan Qaatay


Dibadbaxayaasha Jasiiradda Hong Kong ayaa sameynaya hal bil-guuradii ka soo wareegtay markii ay bilaabeen isu soo baxyada dimoqraadi doonka ah, kuwaas oo ay ardaydu hogaaminaysay.

Munaasibadan oo dhacday maanta oo Salaasa ah ayaa ku soo beegmaysa xilli weli dhibaato ka dhex jirto dibadbaxayaasha iyo maamulka jasiiraddan Hong Kong, ee ka tirsan Shiinaha isla markaana leh ismaamulka gaarka ah.

Hoggaanka debed-baxayaasha ayaa u socdaalay magaalada Beijing si ay racfaan uga qaataan go’aanka lagu kala hufayo murashaxiinta doorashada ee sanadka 2017ka.

Maamulka Shiinaha ayaa arrintaas diiday, beddelkeedana sheegay in isu soo baxyadani ay sharci darro yihiin, taas oo marar kala duwanna ay dhacday in ciidamada ammaanku ay gacan ula tagaan debedbaxayaasha.

XS
SM
MD
LG