Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha oo Buriyey Isku-Shaandhayntii R/Wasaaraha


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay isku-shaandhayn uu sameeyey Ra’iisal wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ku amray xubnaha golaha wasiirada ee ay saamaynta ku yeelatay isku-shaandhayntaasi inay joogaan xafiisyadii ay xilkooda hayeen.

Madaxweynaha ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sababeeyey in ra’iisal wasaaruhu baal maray hab raaca magcaabista ama xil ka qaadista masuuliyiinta, taas oo madaxweynuhu ku dooday in sharciga dalku dhigayo in marka ra’iisal wasaaruhu xilalka muhiimka ah magcaabayo inuu kala tashado Madaxweynaha dalka hase ahaatee aanu ra’iisal wasaaruhu tallaabadaas marin.

Madaxweynaha ayaa warsaxaafadeedka uu soo saaray ku sheegay “Waxaan dhawr jeer, aniga oo eegaya danta guud u dulqaatay tallaabooyin qalafsan oo xad gudub ku ah awoodaha dawliga ah ee Madaxweynaha iyo kan Dastuurkaba. Waxaan si kooban u xusi karaa:

  1. In uu xil ka qaaday, magacaabayna Wasiirro asaga oo aan wax wada tashi ah la yeelan Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaliga;
  2. In uu Saraakiil Sare xil u magacaabay kuwa kalena ka qaaday si aan waafaqsaneyn Dastuurka.” Ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo daba socday isku shaan-dhayntii ugu dambaysay ee ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh uu sameeyey ayuu madaxweynuhu hadalkiisa sii raaciyey “Ugu dambeyntii, maanta wuxuu ku dhawaaqay waxa uu ku sheegay isku shaandeyn Wasiirro isagoo aan wax wada tashi ah la samayn Madaxweynaha Jamhuuriyada.

Sidaas darteed, aniga oo eegaya waqtiga xaasaasiga ah ee lagu jiro, ilaalinayana habraaca dawliga ah, quwaaniinta iyo shuruucda dalka u deg san, waxaan go,aamiyey:

- Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Rai-sul Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014;
- In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, samaynna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha 25kii Octoober 2014.

- In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan howlgallada hada socda;

- In Saraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan.” Ayaa lagu soo geba-gebeeyey Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somalia.

XS
SM
MD
LG