Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama iyo Xukuumaddiisa oo ka Shiray Ebola


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in khatarta cudurka Ebola uu ku fido dalka Maraykanka ay aad u hooseyso, haddii taxadarka loo baahan yahay oo dhan la qaato.

Isagaa oo ka hadlay kulan uu la qaatay golihiisa xukuumadda ayaa Obama Arbacadii shalay uu ku baaqay in koox caafimaadka degdegga ah oo dawladda dhexe ka tirsan la geyn doono cisbitaal kasta oo cudurkan laga helo, si loo hubiyo in talaabo taxadar leh la qaado.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo jawaab adag oo dunida oo dhan ah oo cudurkan lagala hortago. Arrintan waxa ku jira taageero dheeri ah oo la siiyo 3da dal ee cudurkani ku badan yahay ee Guinea, Liberia, iyo Sierra Leona.

Mr. Obama ayaa sheegay in kaalmada Galbeedka Afrka ayna sadaqo ahayn, laakiinse ay tahay maalgashi lagu sameynayo caafimaadka guud ee Marayknaka, iyada oo cudurka oo faraha ka baxaa uu meel walba gaari karo.

XS
SM
MD
LG