Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabsi la Xiriirta Ebola oo ka Jirta Australia


Kalkaaliso caafimaad oo u dhalatey Australia ayaa baaritaanno caafimaad lagu sameynayaa kadib markii jirkeeda lagu arkey calaamado ay suuragal tahay inuu hayo xanuunka Ebola, iyadoo beesha caalamka ay ku guda jirto dadaal la doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka virus-ka.

Madaxa caafimaadka ee gobolka Queensland Jeanette Young ayaa sheegtay in haweeneydaasi oo 57 jir ah uu xummad ku dhacay wax yar kadib markii ay ka soo laabatey dalka Sierra Leone, halkaas oo ay ku caawineysey bukaan uu ku dhacay xanuunka Ebola.

Natiijada baaritaanka la wado ayaa la filayaa inay soo baxdo maalinta Jimcaha. Young ayaa sidoo kale sheegtay in xitaa haddii haweeneydan la xaqiijiyo inay qabto Ebola aaney jirin sabab ay shacabka walaac uga muujiyaan in virus-ka uu waddanka ku baahayo.

Arrintan ayaa imaneysa maalin kadib markii qofkii ugu horeeyey ee gudaha Mareykanka lagu ogaado inuu ku dhacay Ebola uu ku geeriyooday magaalada Dallas ee gobolka Texas.

Saraakiisha isbitalka Texas Health Presbyterian ayaa sheegay in Thomas Eric Duncan uu dhintey 10 maalmood kadib markii isbitalkaasi la dhigey. Waxaa uu Dallas yimid bishii September 20-keeda isagoo ka yimid Liberia oo oo ah waddanka uu u dhashey, kana mid ah waddamada Galbeedka Afrika ee sida ba’an uu u aafeeyey Ebola.

XS
SM
MD
LG