Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Qaba Ebola oo ku soo Laabtey USA


Weriye qaba virus-ka Ebola ayaa dib ugu soo laabtey Mareykanka si loogu daweeyo.

Ashoka Mukpo, waa ruuxii shanaad ee American ah ee xanuunka Ebola laga helo. Waxaa u shaqo u joogey Liberia isagoo u shaqeynayey televishanka NBC, markii xanuunka laga heley toddobaadkii hore, waxaana Mareykanka dib loogu soo celiyey isagoo saran diyaarad khaas ah.

Waxaa haatan lagu daweynaya qeybta gaarka ah ee bukaanka lagu xanibo ee Isbitalka Nebraska.

Nin kale oo American ah oo xanuunkan Ebola uu horey ugu dhacay isagoo joogey Liberia, Dr. Rick Sacra, ayaa ah bukaankii ugu horeeyey ee isbitalkan looga daweeyey Ebola, kadibna la fasaxay bishii hore.

Magaalada Dallas ee gobolka Texas, Thomas Eric Duncan, oo isna ku soo laabtey Mareykanka, isagoo ka yimid Liberia, ayaa xaaladdiisa shaley lagu sheegay mid khatar ah. Waxaa isbitalka la dhigey 28-kii bishii September.

XS
SM
MD
LG