Mas’uuliyiinta caafimaadka dowladda dhexe ee Mareykanka iyo kuwa gobolka Texas ayaa goob gaar ah ku xanibey afar ruux oo ehel la ah nin dhowaan laga heley xanuunka Ebola, iyadoo mas’uuliyiinta Liberia ay sheegeen inay dacwad ku soo oogi doonaan been uu sheegey markii uu buuxinayey waraaqihiisii ee garoonka diyaaradaha xilli uu ka soo dhoofayey.
Bukaankan oo magaciisa la yiraahdo Thomas Duncan, una dhashey Liberia ayaa xaalad khatar ah ku sugan isbitalka magaalada Dallas.
Mas’uuliyiinta Liberia waxay sheegeen inay Duncan dacwad ku soo oogi doonaan, iyagoo ku eedeynaya inuu ka been sheegey markii la weydiiyey su’aal ah inuu horey ula kulmey ama u taabtey ruux qaba xanuunka Ebola.
Duncan ayaa ku jawaabey “Maya” iyadoo sida la og yahayna uu horey u caawiyey haweeney uur leh oo qabta Ebola, taxi-na uu saarey.
Dhanka kale isla dalka Liberia, filim qaade u dhashey Mareykanka oo u shaqeeya televishanka NBC ayaa waxaa ku dhacay xanuunka Ebola.
Televishanka ayaa sheegay inay dib dalka ugu soo celineyso dhammaan shaqaalihii halkaa ka joogey, isla markaana muddo 21 maalmood ah meel gaar ah lagu hayn doono.