Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Australia oo ku Biireysa Dagaalka ISIS ka Dhanka ah


Golaha Wasiirada ee Australia ayaa ansixiyey weeraro cirka ah iyo in ciidan gaar ah la diro si ay qeyb uga qaataan isbahaysiga caalamiga ha ee ka dhanka ah maliishiyada ISIS ee dalka Ciraaq ka dagaalama.

Ra'iisul Wasaaraha Australia Tony Abbott ayaa sheegay in waddankiisa ay dani ugu jirto inay gacan ka geysato sidii burburinta kooxda ISIS oo uu ku sheegey inay tahay mad-hab u taagan dilka.

Raiisul Wasaare Abbott ayaa sheegay in ciidamada Australia aaney si toos ah ugu lug yeelan doonon hawlgalada dagaalka. Laakiin waxaa uu ka digey in ciidamada la dirayo laga yaabo inay qaadato muddo dheer.

Australia waxay horey ugu dirtey dalka Imaaraadka Carabta ilaa 400 oo ciidamadeeda cirka ah, laba boqol oo ciidamada gaarka ah iyo 11 diyaaradood, kuwaas oo u diyaargaroobaya hawlgalo milateri oo laga fulin doono Ciraaq.

Dowladda ayaa sheegtay in qiyaastii 160 ruux oo reer Australia ah ay ka barbar dagaalamayaan amaba ay taageero u fidinayaan kooxda ISIS oo dowlad Islaami ah iskeeda kaga dhawaaqdey qeybo ka tirsan Ciraaq iyo Syria.

XS
SM
MD
LG