Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska-hor-imaadyo ka Socda Jasiiradda Hong Hong


Hogaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqa dimoqraadi doonka ah ee jasiiradda Hong-Hong ayaa bilaabay kacdoon shacbi oo ay ku dalbanayaan isbeddelo dimoqraadiyeed oo dhab ah oo laga fuliyo jasiiraddaas oo horay dawladda Britiain u hoos tagi jirtay.

Dadka qabanqaabinaya kacdoon la magaca baxay “Occupy Central with Love and Peace” ayaa Axadda maanta ah sheegay la wareegidda waddooyinka hor mara xarumaha waddooyinka dawladdu ay hadda si rasmi ah u bilowdeen.

Arrintan ay shaaciyeen ayaa timid saacado ka dib markii booliiska rabshadaha ka hortagaa uu xiixiray dhowr iyo toban arday oo dibadbaxayey. Ardaydan ayaa xoog ku galay xarumaha dawladda maalintii Sabtidii. Dibadbaxayaal kale ayaa Axadda maanta ah doonaya inay xoog ku galaan dhismeyaasha dawladda.

Booliiska ayaa sheegay in dhowr qof ay si fudud ugu dhaawacmeen iska hor imaadyadii dhacay.

Dadka dimoqraadiyadda u dhaqdhaqaaqa ayaa aad uga carooday markii dawladda China ay go’aamisay in ay iyadu soo ogolaan doonto dhamaan murshaxiinta doonaya inay ka qeyb galaan doorashada sanadka 2017 jasiiradda ka dhacaysa.

XS
SM
MD
LG