Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Jahwareer ka Jira Hanaanka Dawladnimo


Dagaal maalmahanba ka socday magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa keenay in kooxka Xuuthiyiinta ee mad-habta Shiicada ku abka tirsataa ay la wareegto goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada caasimadda ah.

Goobaha ay kooxdu la wareegtay ayaa waxa ka mid ah xarunta telefishanka, saldhigyo ciidan, iyo dhismeyaal kale oo dawladdu leedahay.

Haddaba xagee ayuu dalka Yemen ku socdaa? Maxay dawladda iyo kooxdani isku diiddan yihiin? Xiisad noocee ah bayse gobolka ka abuuri kartaa? Su’aalahaas ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu weydiiyey Yuusuf Abiikar Maxamed oo arrimaha carabaha aqoon u leh, kuna sugan magaalada Minneapolis ee gobolka MN.

Jahwareerka Yemen
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00

XS
SM
MD
LG