Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Lagu Diley Rabshado ka Dhacay Yemen


Booliska Yemen ayaa rasaas ku furey koox Shiico ah oo banaabaxyo ka dhigayey caasimadda, halkaas oo ay afar ruux ku dileen shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Toogashada ayaa dhacdey maanta markii koox ka tirsan dadka banaanbaxyada dhigayey ay isku dayeen inay xoog ku galaan xafiiska raiisul wasaaraha magaalada Sanca.

Booliska ayaa markii hore gaaska dadka ka ilmeysiisa adeegsadey si ay u kala eryaan dadka banaanbaxyada dhigayey, kuwaas oo muddo dhowr toddobaad ah wadey banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in dowladdu is casisho isla markaana la soo celiyo barnaamijka dowladda ee shacabka looga iibiyo shidaal qiimo jaban ah.

Madaxweyne Abdi Rabbo Mansour Hadi ayaa toddobaadkii hore kala direy golihiisa wasiirada, laakiin banaanbaxyadii ayaa halkoodii ka sii socdey.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa taabacsan fallaagada Xuutiyiinta, kuwaas oo horkacayey kacdoonkii ka socdey waqooyiga Yemenm ka hor intaaney aqbalin xabbad joojin ay la galeen dowladda sannadkii 2010.

XS
SM
MD
LG