Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo ka cadhotay Kolonyo Ruushku u diray Bariga dalkaas


Kolonyo Gaadiid ah oo ka socota dalka Ruushka ayaa ka gudbay xuduudda Dalkaasi la leeyahay Ukriane iyaga oo aan ogolaansho helin, isla markaana dib uga soo laabtay ka dib markii gaadheen halkii ay u socdeen.

Weriyaha VOA Gabe Joselow ayaa ku soo waramaya in arrintani kor u qaadday xiisadda siyaasadeed ee labadaas dal ka dhex taagan, iyada oo Milateriga dalka Ukraine ay Ruushka ku eedeeyeen inuu gaadiidkaas ku daad gureeyey Meydadka Askar halkaas kaga dhimatay iyo qalab kale.

In ka badan 200 oo gaadiid ah ayaa ka laabtay shalay oo sabti ahayd dalka Ukraine ka dib markii ay tageen magaalada Luhansk oo ay gacanta ku hayaan kooxaha taageersan Ruushka ee doonaya inay ka go’aan dalka Ukraine.

Tallaabadan ay qaadday dawladda Ruushka ayay ka xumaadeen saraakiisha reer Ukraine, kuwaas oo sheegay inay keliya awoodeen inay baadhaan gaadiid kooban ka hor intii aanay xuduudda ka tallaabin, taas oo ballantu ahayd in gargaarka ay dawladda Ruushku wadday ay qaybiso hay’adda laanqayrta cas.

Afhayeen ku sugan Magaalada Kramatorsk oo u hadlay kooxda lagu magcaabo hawl-galka la dagaalanka Argagixisada ee Ukraine, Dimitrakovski, ayaa ku eedeeyey dawladda Ruushka inay u isticmaalayso gaadiidkaas inay sahay ku gaadhsiiso mucaaradka ayna gaadiidkan ku qariso gacanta ay ku leedahay khilaafka halkaas ka jira.

Ururka amniga iyo Iskaashiga Yurub ee OSCE oo dusha kala socday khilaafka dalka Ukraine ayaa sheegay in kormeerayaal ka socdaa ay tiriyeen illaa 227 gaadhi oo ka mida kolonyadaas oo dib uga noqdeen dalka Ruushka iyaga oo ka gudbay Xuduuda deegaanka Donesk, maalmihii Jimcaha iyo Sabtida.

Dalka Ukraine iyo wadamada reer galbeedka ayaa cambaareeyey tallaabada sharci darrada ah ee looga gudbay xuduudda Ukraine, iyaga oo ku macneeyey inay tahay daandaansi, halka NATO ay Iyana ugu yeedhay inay tahay weerar toos ah.

Ururka bisha cas ayaa sheegay in xaaladda lagu gaadhsiiyey gargaar bini’aadanimo magaalada Luhansk inay adkaysay hawlgalka bini’aadanimo ee magaalada.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Russia ayaa sheegay inay qaateen go’aanka ay kulanyadan ugu direen gudaha dalka Ukraine ka dib dib u dhacyo badan oo yimi, kuwaas oo u muuqday inay soo noqnoqnayeen ayna ahaayeen kuwo aan loo dul qaadan Karin, halka gargaarkana si degdeg ah loogaga baahnaa meelihii loo waday.

Kumanaan qof oo ku nool magaalada Luhansk ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin xaalad biyo la’aan, cunto iyo daawo la’aan ah, halkaas oo xuddun u ah mid ka mida dagaallada ugu culus ee u dhexeeya Ukrain iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa tagtay magaalada Kiev iyada oo la kulmaysa madaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko. War laga soo xigtay Angela Merkel ayay ku sheegtay inay madaxweynaha kula talinayso in xiisadda ka jirta Ukraine lagu xalliyo hannaan siyaasadeed isla markaana si dhakhso ah loo gaadho xabbad joojin rasmi ah.

Madaxweynaha Ukraine ayaa la filayaa inuu kula kulmo Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin magaalada Belarus wiigga soo socda si ay uga wada xaajoodaan xiisadda ka taagan dhinaca bari ee dalka Ukriane iyo weliba muranka ku saabsan saliida Ruushku u soo gudbiyo dalka Ukraine.

XS
SM
MD
LG