Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WHO: Dawada Ebola Degdeg Haloo Adeegsado


Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraa WHO ayaa sheegtay inay arin saxan tahay in dadka uu soo rito xanuunka EBOLA lagula tacaalo dawooyinka aan weli tijaabadoodu dhamaan, si loola dagaalamo Faafista Viruska ee galbeedka Africa.

Hadalkan WHO ayaa soo baxay, xilli saraakiisha caafimaadka ee Liberia ay filayeen inay dawo lagu tijaabinayo dadka Ebola la xanuunsan ka helaan shirkad Mareykanka laga leeyahay.

Dawadan oo loo bixiyay ZMapp, weli laguma tijaabin bani aadam.

In ka badan 1,000 qocf ayaa Ebola u geeriyooday tan iyo markii uu ka dilaacay galbeedka Africa bishii February, dadkaas oo badankood ku dhintay Guinea, Liberia iyo Sierra Leone.

Hadaba si aan wax uga ogaano dawadan cusub iyo saameynta Ebola waxaan khadka taleefanka ee magaalada London kula xiriirnay Dr. Mohamed Xaaji Abdullahi oo ka howlgala xarun caafimaad oo ku taala Totenham.

wareysiga Ebola
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:42 0:00

XS
SM
MD
LG