Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaada ah in Maraykanku maalgashi gaaraya 14 billion oo dollar uu u qoondeeyay Qaaradda Africa.
Madaxweyne Obama ayaa arrintan shaaca kaga qaadi doona shir u gaar ah ganacsiga Africa iyo Maraykanka oo qayb ka ah shir madaxeedka maalmahan u socda Madaxda Africa iyo Maraykanka.
Mas’uul u hadlay aqalka cad ayaa sheegay in mashaariicda la maalgalinayo ay ka mid yihiin barnaamijyo la xidhiidha Tamarta, Bangiyada iyo Dhismaha.