Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taiwan oo 24 Qof ay Qaraxyo ku Dhinteen


Shaqaalaha Gurmadka ee dalka Taiwan ayaa howshooda baadi doonka sii wata maanta oo Jimca ah, ka dib qaraxo waaweyn oo xiriir ah oo ka dhacay magaalada dekedda leh ee Kaohsiung gelinkii dambe ee maanta.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay qaraxyadan 270 kalena wey ku dhaawacmeen.

Ra’isul wasaaraha Taiwan Jiang Yi-huah ayaa sheegay in ugu yaraan shan qarax oo waaweyn ay ruxeen magaaladaasi oo ay ku noolyihiin ilaa iyo laba malyuun iyo sideed boqol oo qof .

Boqolaal ciidamada dowladda ah ayaa ka qeyb qaadanaya dadaalada socda ee gurmadka deg degga.

Wakaalada Wararka u faafisa Taipei ayaa soo xigatay madaxweyne Mah Ying-jeou oo qaraxyadan la xiriirinaya gaas ka soo dareeray habka bulaacadaha ee degmada Cianjhen

Laakiin si rasmi ah weli looma xaqiiji waxa sababay qaraxyadan.

XS
SM
MD
LG