Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Madeer oo Muqdisho Lagu Diley


Mudane kale oo ka tirsanaa baarlamanka Somalia ayaa maanta lagu diley magaalada Muqdisho.

Sheikh Adan Mohamed Madeer oo ahaa guddoomiyihii guddiga maaliyadda ee baarlamanka ayaa waxaa koox hubeysan ay ku toogteen degmada Xamar Weyne , mar uu ka soo baxay masjidka Marwaas oo uu salaadda Jimcaha ku tukadey.

Waxaa uu noqonayaa xildhibaankii labaad ee muddo laba toddobaad gudohood lagu dilo magaalada.

Bishii hore 23-keeda ayaa koox hubeysan waxay Muqdisho ku dileen Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ahayd fanaanad caan ah.

Dilka siyaasiyiinta Somalia ayaa beryahan sare u kacay, siiba dilka xildhibaanada, iyadoo ururka Al Shabab uu horey wacad ugu marey inuu ugaarsan doono dhammaan dadka la shaqeeya Dowladda Federalka Somalia.

XS
SM
MD
LG