Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM: Cudurka Ebola Waanu Ka Feejigannahay


Waddanka Siera Leone ayaa ku dhawaaqey xaalad deg deg ah si dalkasi uu ula tacaalo Virus-kii ugu xumaa oo abid ka dilaacay dalkaasi.

Madaxweynaha dalkaasi Leone Ernest Bai Koroma ayaa sheegay in dowladiisu ay karantiileyso deegaano laga helay cudurka, iyadoo dadka loo diidey inay dadka kale dhex socdaan. Waxaa sidoo kale ay dowladiisu baadi goob ugu jirtaa guryo iyo dad hor leh oo cudurka uu aafeeyey .

Wadankaasi ayaa waxaa la rumaysan yahay inuu cudurka uu gaarsiiyey qof kasoo degay garoonka diyaaradaha.

Waxuu sheegay madaxweynaha wadankasi in Cudurkan uu dalkiisa la dagaalamayo isla markaasina virus kan uu yahay mid ka qara weyn in wadan kaliya uu la tacaalo.

Haddaba, maadaama ay waddanka Soomaaliya joogaa ciidamo ka socda waddanka Sera Leone oo ka tirsan howlgalka AMISOM kuwaasoo ay dhici karto in ay isugu dhex socdaan waddankooda iyo gudaha Soomaaiya, feejignaan intee la eg ayay AMISOM ka gashay arrintaasi, sideese looga hortagi karaa.

Wareysiyo arrintaas ku saabsan oo ay Caasho Ibrahim Aden iyo Maxamed Colaad Xasan la kala yeesheen Afhayeenka Amisom Corneel Cali Xaamud iyo Dr. Maxamed Cabdullahi Xaji Aaden oo xanuunka uur ku jirta ku taqasusay kana howl gala Isbitalka Regions magaalada Saint Paul ee Gobolka Minnesotta ka dhageyso xagga hoose.

WAREYSIYO EBOLA
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:11:32 0:00

XS
SM
MD
LG