Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saado Cali oo Maanta Muqdisho Lagu Dilay


Saado oo Xarunta VOA nagu Soo Booqatay
Saado oo Xarunta VOA nagu Soo Booqatay

Magaalada Muqdishu waxaa maanta lagu toogtay Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd fannaaniinta ugu caansan Soomaaliya isla markaana ka mid ahayd Baarlamaanka Federaalka.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in dablay saaran baabuur ay la sinmeen baabuurka ay saarnayd Saado Cali Warsame kadibna ay rasaas kala dhaceen xabbadka. Waxaa isla goobta ku dhintay Saado Cali Warsame iyo dareewalkeedii.

Ururuka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali ayaa si weyn u dhalleeceeyeey dilka Saado Cali Warsame.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dilkaasi uusan dawladda ka leexin doonin waddada ay ku socoto ee nabadda. Dhinaca kalena Ra'iiusl Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isna dilkaasi ku tilmaamay mid “bahalnimo ah”.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:47 0:00

XS
SM
MD
LG