Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraakiibtii Somalia oo Yemeni lagu Wareejiyay


Mid ka mid ah maraakiibta la wareejiyay
Mid ka mid ah maraakiibta la wareejiyay

Maxkamad ku taalla Yemen ayaa si rasmi ah ugu wareejisey nin ganacsade ah saddex markab oo ay horey u lahayd dowladda Somalia.

Ninka ganacsadaha oo u dhashey Yemen ayaa maraakiibtan ku yeeshay lacag deyn ah oo gaaraysa 2 Malyuun oo Dollar.

Saddexdan markab oo lagu kala magacaabo Cismaan Geedi Raage, Faarax Oomaar iyo 21-ka Octoobar 3, waxaa haatan milkiyadoodu ay hoostagaysaa ninka ganacsada ah.

Dacwadda lagu xukumayay maraakiibtan ayaa soo socotay muddo 7 sannadood ah. Mas'uulliyiin ka socotay dowladdihii Soomaaliya ayaa tagay Yemen si ay arrintan xal ugu helaan, balse kumaysan guuleysan.

Magaalada Sanca waxa warbixinta hoose ka soo direy weriyaha VOA Jacfar Kuukaay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:32 0:00

XS
SM
MD
LG