Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ajaanib Lagu Laayey Afghanistan


Nin isa soo miidaamiyey ayaa diley ugu yaraan afar qof oo shisheeye ah , isla markaana dhaawacay lix kale weerar ka dhacy xero ku taalla magaalada Kabul.

Booliska Afghanistan ayaa sheegay in ninka bambaanada isku soo xirey uu warey mooto, kadibna uu isku qarxiyey goob ay tababar ku qaadanayeen koox ajaanib ah.

Ururka Taliban ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxaana xubno u Hadley ay sheegaan in 15 waxa ay ku tilmaameen “askarta duulaanka soo qaaddey” ay ku dileen weerarkaasi, isla markaana ay waxyeelo gaarsiiyeen gawaari badan , iyagoo goobta ay weerareen ay ku sheegeen inay ahayd xarun u ahayd koox sirdoon ah oo shisheeye.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hawlgalka isbahaysiga milatarga NATO ee uu Mareykanka horkacayo, kaas oo muddo 12 sanno ah dagaal kula jirey Taliban.

Waddamada ay u dhasheen dadkan la laayey weli lama shaacin.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Mareykanku uu isku diyaarinayo inuu inta badan ciidamadiisa kala soo baxo Afghanistan dhammaadka sannadkan, iyo weliba iyadoo waddanku uu ku jiro xasarad la xiriirta doorashada madaxtinimada.

XS
SM
MD
LG