Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UN: Xabadda ha la Joojiyo Gaza


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqey xabbad joojin degdeg ah oo ka dhaqangasha Marinka Gaza, iyadoo sidoo kalena uu Goluhu walaac ka muujiyey dagaalka halkaasi ku fidey , xilli Israel ay sii xoojisey weerarada cirka iyo dhulka ee ka dhanka ah maliishiyada Hamas.

Kulan degdeg ah oo uu Goluhu xalay yeeshay kadib ayaa Guddoomiyaha Golaha ee waqtigan Eugene Gasana oo ah danjiraha Rwanda ee Qaramada Midoobay waxaa uu sheegay in xaaladdu Gaza ka jirta ay tahay mid daran.

Goluhu waxaa uu xusey muhimadda iyo baahida loo qabo in wax laga qabto xaaladda aadminimo ee Gaza.

Maalintii Axadda ayaa waxay ahayd maalin ay dad badan ku dhinteen dagaalkan soo bilowdey muddo haatan laga joogo laba toddobaad.

Waxaa halkaasi shaley lagu diley 65 Falastiiniyiin ah iyo 13 askari oo Israel ah oo ay ku jiraan laba Mareykan ah.

XS
SM
MD
LG