Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali ku jira Xabsi Talayaaniga


Ancient Rome
Ancient Rome

Xaashi Cumar Xasan waa nin Somali ah oo mudo 16 sanadood ah ku xidhan dalka Talyaaniga kadib markii lagu xukumay 26 sanadood oo xadhig ah iyadoo loo haysto dacwada gabadh Suxufiyad ahayd oo dalka Talyaaniga u dhalatay oo sanadkii 1994 lagu dilay magalada muqdisho.

Xaashi Cumar Xasan wuxuu VOA da u sheegay in lagu soo eedeeyay dilka iLaria Alpi oo ahayd Suxufiyad hawlo baadhitaan u tagtay dalka Somalia horaantii sagaashameeyadii isla markana iyada iyo Camera man kii la socday lagu dilay Muqdisho.

please wait
Embed
ITALY
by VOA

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00


Ninkan oo snaadkii 1998 kii dalka Talyaaniga u tagay arimo ka baxsan Kiis ka loo qabsaday ayaa ciidamada amaanku ka qabteen magaalada Rome kadibna waxa lagu so oogay dacwadan uu u xidhan yahay, inksta oo uu sheegay in xiligi dilkaasi dhacayay uu ka maqnaa magaalada Muqdisho wax lug ah na aanu ku lahayn. Hadaba waxa VOA da u suuro gashay in aanu khadka telephone ku helno Xaashi Cumar Xasan oo mar mar loo ogolaado inuu telephone isticmaali karo isla markaana Jeelka uu ku jiro dibada uga bixi karo Sahra Ciidle Nuur ayaa ka waraysatay xaaladiisa iyo mudada dheer ee uu xabsiga ku jiro.

XS
SM
MD
LG