Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Weerar Dhulka ah ku Qaaddey Gaza


Israel ayaa weerar dhulka ah ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay uga gol leedahaya inay ku joojiso weerarada gantaalo ee kaga imanaya Falastiiniyiinta, 10 maalmood kadib oo dagaal culus u dhexeeyey Israel iyo kooxda Xamaas.

Xafiiska Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegaya inuu amrey ciidamada milatariga inay hawlgalkaasi fuliyaan si loo burburiyo waddooyinka dhulka hoostiisa mara ee isku xira Gaza iyo Israel, kuwaas oo Mr Netanyahu uu ku tilmaamey in loo adeegsado falal argagixisonimo.

War ka soo baxay dowladda Israel ayaa lagu sheegay in ujeeddada weerarkan uu yahay in nabad loo horseedo shacabka reer Israel isla markaana si xooggan loo wiiqo ururka Xamaas oo ka taliya Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in korontada laga jarey magaalada Gaza dhanka waqooyi habeenkii xalay.

Ururka Xamaas ayaa sheegay in Israel ay cawaaqib xun kala kulmi doonto fulinta weerarkani.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku booriyey Israel inay xaqiijiso in dad rayid ah aaney waxba ku noqon hawlgalkan. Waxaa uu sheegay in colaaddii khatarta ahayd ee meesha ka jirtey ay sii baahdey.

XS
SM
MD
LG