Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: Abaarro ayaa ka jira Somalia


Dowladda Somalia ayaa maanta ku dhawaaqday inay abaarro ka jiraan gobollo ka tirsan dalka Somalia.

Wasiirka beeraha ee dowladda Somalia, Cabdi Axmed Baafo ayaa VOA u sheegay in abaarahan ay ka jiraan gobollada, Bakool, Gedo, Galgaduud, Hiiraan iyo qeybo ka tirsan Shabeellooyinka. Wasiirku wuxuu sheegay in roobkii gu'a oo yaraa ay beeralay badan aanay awood u heli doonin inay beero fashaan, sidoo kale biyo la'aantu waxay xoollo dhaqatadii ku qasabtay inay ka qaxaan deeggaanadooda.

Dowladda ayaa furtay sanduuq lacago loogu uruurinayo howlgalada gurmadka, waxayna sanduuqaasi ugu yaboohday 500 kun oo dollar.

Dowladda Somalia ayaa sidoo kale magacowday guddi wasiirro ah oo ka kooban 7 xubnood kuwaasoo maareyn doona howlaha gurmadka.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:42 0:00

XS
SM
MD
LG