Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Weeraraysa Gaza


Israel ayaa duqayn dhinaca cirka ah ka gaysatay marinka Gaza, iyada oo ay suurtagal tahay in ay qaaddo duulaan dhinaca dhulka ah.

Ujeedada weerarkan ayaa lagu macneeyay inuu yahay jawaab ay Isreal ka bixinayso, gantaallo ay sheegtay in kooxaha falastiinyiintu ku rideen dhinaca Israel.

Ciidamada Isarel ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen 50 goobood oo isugu jiray guryo iyo goobaha laga soo rido gantaalada oo ku yaalla Marinka Gaza.

Saraakiisha Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhaawacmeen duqaynta.

Afhayeen u hadlay ciidanka Isarel ayaa sheegay in duqayntan ay hordhac u tahay duullaan dhinaca dhulka ah oo ay suurtagal tahay inay ciidamada Isarel ku galaan gudaha Marinka Gaza.

Taangiyada dagaalka ee Isarel ayaa la arkayay maanta oo Talaado ah iyada oo la soo dhoobay xadka marinka Gaza.

XS
SM
MD
LG