Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Nabad ugu Baaqey Israel iyo Falastiiniyiinta


Madaxweyne Barack Obama ayaa ku booriyey Israel iyo Falastiiniyinta inay is xakameeyaan watigan oo ay xiisado khatarta ah ka dhex aloosan yihiin labada dhinac.

Maqaal ku soo baxay wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israel, ayaa Mr Obama waxaa uu sheegay in labada dhinac uu waajib ka saran yahay inay badbaadiyaan dadka shacabka ee aan waxba galabsan, isla markaana aan la adeegsan falal aargoosi ah.

Waxaa kale oo uu sheegay inuu weli rumeysan yahay in Israel iyo Falastiiniyinta ay nabad wada gaari karaan, isagoo talaabadaasi ku tilmaamey inay tahay midda keliya ee xaqiijin karta nabadgelyada Israel.

Dhanka kale, Israel ayaa weli ku guda jirta weeraro dhanka cirka ah oo ay ku qaadeyso Marinka Gaza. Falastiniyiinta ayaa sheegay in weeraradaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan sagaal qof.

Israel ayaa sheegtay in weeraradaasi ay jawaab u yihiin sawaariiqda laga soo tuurayo Gaza oo ay ku jiraan 8 sawaariiq oo ku habsadey Israel maalintii Talaadada, halka maalintii Isniintana la soo tuurey in ka badan 80 gantaal.

XS
SM
MD
LG