Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Eedaysanaha Dilkii Binqaazi oo Maxkamad La Horkeenay


Ahmed Abu Khattala
Ahmed Abu Khattala

Axmed Abu Khatallah oo ah eedaysnaha koowaad ee looga shikisanyahay inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii 2012kii lagu qaaday Qunsuliyadda Maraykanka ee magaalada Binqaazi ee dalka Liibya ayaa maxkamad la soo taagay.

Abu Khatallah ayaa la hor keenay maxkamd ku taalla Washington, hase yeeshee waxa uu diiday inuu isagu ahaa ciddii ka dambaysay weerarkii ay ku dhinteen safiirkii Maraykanka ee Libiya iyo saarkiil maraykan ah.

Eedaysanahan ayaa waxaa la hor keenay maxkamadda ka dib markii diyaarad nooca quumaatiga u kaca ee helicopterka loo yaqaan ay ka soo dul qaadday Markab dagaal oo ciidamada maraykanku leeyihiin.

Axmed Abu Khatallah ayaa maxkamddu ku soo eedaysay dambi la xidhiidha falal argagaxiso.

Dawladda Maraykanka ayaa lagu wadaa inay ku soo eedaysay dambiyo dheeraad oo qaarkood ay suurtagal tahay inuu ku mutaysto xukun dil ah.

XS
SM
MD
LG