Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Lagu soo Ridey Ukraine


Xoogagga gooni u goosadka ee taageersan Russia ayaa soo ridey diyaarad helicopter ah oo ay lahayd dowladda Ukraine, maalin kadib markii falaagada ay ku dhawaaqeen xabad joojin muddo toddobaad ah soconeysa oo ka dhaqangasha bariga Ukraine, lana jaanqaadeysa talaabo taa la mid ah oo uu qaadey madaxweynaha Ukraine.

Afhayeen u Hadley milatariga Ukraine, Vladislav Seleznyov, ayaa sheegay in diyaaradda helicopter-ka lagu soo ridey meel ku dhow magaalada Slovyansk ee bariga Ukraine, markii falaagada ay ku toogteen gantaalaha lidka diyaaradaha ee gacanta laga gamo. Wararka waxay sheegayaan in dhamaan sagaalkii qof ee saarnaa diyaaradda ay dhinteen.

Maalintii Isniinta hoggaamiye ka tirsan xoogagga gooni u goosadka Russia taabacsan ayaa sheegey in falaagada ay dhaqangelin doonaan xabbad joojin socon doonta ilaa 27ka bisha June, si la mid ah tallaabada uu horey ugu dhawaaqey Madaxweyne Petro Poroshenko.
XS
SM
MD
LG