Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo Booqanaya Bariga Dhexe


US Kerry Lebanon
US Kerry Lebanon
Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay dalka Masar, halkaa oo uu wada hadal kula leeyahay madaxweynaha cusub ee Masar Abdel Fattah el-Sissi.

Mr. Kerry ayaa gaaray magaalada Qaahira maanta oo Axad ah, waana markii ugu horeysay oo uu kulan la yeesho madaxweynaha Masar, tan iyo markii dalkaasi ay dhawaan doorasho ka qabsoontay.

Ka hor inta aysan is arkin Madaxweyne Sisi Mr. Kerry waxey wada hadal yeelan doonaan wasiirka arimaha dibadda ee Masar, Sameh shoukri.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay gacanta birta ah ee ay xukumada Masar kala horjeedo mucaaradka.
Sisi ayaa awoodda dalka Masar la wareegay isagoo ahaa Taliyihii ciidamada Milatariga Masar bishii July ee sanadkii hore, isagoo xukunka ka tuuray madaxweynihii Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka ee Masar.

Howlgalada miltariga ay ka wadeen dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof kumanaan kalena xabsiyada ayaa loo taxaabay markii Mursi la riday ka dib.

Dowladda Masar ayaa dhinaca kale horey uga mamnuucday dalkaasi jiritaanka xisbiga Ikhwaanka, boqolaal xubnaha ururkaasi ka mid ah iyo dibad baxayaalna ku xukuntay dil dacwado qaadistooda ay socotay un saacado kooban.
XS
SM
MD
LG