Isku xirrada

War Deg-Deg ah

BIden: Cadaadis Hor Leh ha la Saaro Russia


Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu la kaashan doono dalalka ay bah wadaagta yihiin si cunaqabateyn hor leh loogu soo rogo Russia, haddii ay ku guuldareysato inay saameynta ay leedahay ku joojiso rabshadaha gooni u goosadka ay ka wadaan bariga Ukraine.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Biden uu shaley telefon kula xiriirey Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko, isla markaana labada hoggaamiye ay balanqaadeen inay xiriiro kale sameeyaan ka hor kulanka madaxda Midowga Yurub ee dhacaya toddobaadka dambe.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn ku soo rogey shakhsiyaad Russia u dhashey iyo shirkado dalkaasi laga leeyahay kadib markii Moscow ay dhulkeeda ku darsatey gacanka Crimea bishii March.

Kooxaha gooni u goosadka ee taageersan Russia ayaa muddo dhowr bilood ah waxay kacdoon ka wadeen bariga Ukraine, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in falal isugu jira dilal, jirdil iyo afduub ay dagaaladaasi hareeyeen, kuwaas oo abuurey xaalad cabsi leh.
XS
SM
MD
LG