Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciyaaraha Adduunka 2014 oo Brazil ka Furmey


Koobka Adduunka ee 2014-ka ee Kubadda Cagta ayaa ka bilowdey magaalada Sao Paolo, iyadoo dalka martida loo yahay ee Brazil ay dadka badankii filayaan inuu markii lixaad ku guuleysto koobkan.

Cayaartii ugu horeysey Brazil waxay 3-1 ku garaacdey Croatia, wallow dadka qaar ay u arkayeen in garsoorayaashii cayaarta dhexdhexaadinayey ay gacansiiyeen Brazil.

Daqiiqaddii 11aad ayaa Brazil ay gool iska dhalisey, balse waxaa cyaarta barbar dhac ka dhigey cayaartoyga reer Brazil ee Neymar oo mar keliya ka farxiyey kumanaanka taageerayaasha Brazil eek u sugnaa garoonka Arena Corinthians ee Sao Paulo.

Neymar waxaa uu goolkii labaad oo rigoore ahaa u saxiixey kooxdiisa qeybtii labaad, iyadoo goolka 3aadna uu dhaliyey cayaaryahan Oscar.

Cayaartaasi waxaa ka horeeysey xaflad si weyn loo soo agaasimey oo loogu talagaley furitaanka tartanka oo ay ka dhex muuqdeen fanaanadda Mareykanka ee Jennifer Lopez, fanaanadda reer Brazail Claudia Leitte iyo heesaaga Pitbull.

Warbixn ku saabsan furitaanka koobka oo maqal ah isla markaana uu noo diyaariyay wariyaheena cayaarada Maxamud Mascade halka hoose ka dhageyso.
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:40 0:00
XS
SM
MD
LG